HomeUncategorized

Safiirka Soomaalida ee Kenya Ameerico oo sheegay inuu Kenya kala hadlay inaan Soomaalida la dhibaatay.

Nairobi, Janu, 14 - Safiirka Soomaaliya u fadhiya Nairobi Maxamed Cali Nuur (Ameerico) ayaa waraysi uu siiyay Radio Daljir waxaa uu ku cadeeyay inuu dawladda Kenya kala hadlay dhibaatada Soomaalidu ku qabaan dawladda.

Rag hubaysan oo maanta weeraray xawaaladda Kaah Bossaso, dhac iyo dilna geyaystay.
Ciidamada Jidadka Puntland oo shaaciyey in shilalkii gaadiidka ay yaraadeen (Dhegeyso)
Dhagayso Barnaamijka Caawa iyo Daljir Isniin May 09- 2016 – Wariye Maxamed Cabdulaahi Kooshin (Studio Daljir Garowe)

Nairobi, Janu, 14 – Safiirka Soomaaliya u fadhiya Nairobi Maxamed Cali Nuur (Ameerico) ayaa waraysi uu siiyay Radio Daljir waxaa uu ku cadeeyay inuu dawladda Kenya kala hadlay dhibaatada Soomaalidu ku qabaan dawladda.

Cali Ameerico, waxaa uu sheegay inay Kenya isla meel-dhigeen sidii wax Soomaalida ganacsatada ah ay dib ugu soo laaban-lahaayeen Soomaaliya, waxaase uu hadalkiisa raaciyay inay Kenya ka digtay dhibaato lagu sameeyo Soomaalida xaafada Islii.

Safiirka ayaa sidoo kale, waxaa uu sheegay inay jiraan hadalo been abuur ah oo Soomaalidu ay isla dhex mareen kuwaasoo ah inay Kenya sheegtay raaf Soomaalida inay ku samaynayso, waxaana arrintaasi uu ku tilmaamay mid been abuur ah.

Hadalkaan kasoo yeeray Safiirka Soomaalida ee Kenya Maxamed Cali Nuur Ameerico ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaanahaan ay soo badanayeen Soomaalida dib ugu soo noqonaysa gudaha dalka Soomaaliya.

Maxamed C/llaahi Cali ‘Kooshin’
Radio Daljir.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: