Ciidamada Jidadka Puntland oo shaaciyey in shilalkii gaadiidka ay yaraadeen (Dhegeyso)

Garoowe, August 28, 2013 – Taliska Tarraafida ee Puntland ayaa shaaciyey ay yaraadeen kiisaskii la xiriiray shilalka baabuurta ee deeganada Puntland, muddo haatan laga joogo 2 sano, wuxuuse xusay in ay weli kiisasku ay jiraan.

Axmed Cabdi Cali (Qalyare) Taliyaha Taraafikada ee Puntland oo u waramay idaacada Daljir wuxuu sheegay in ay kiisasku is dhimeen, wuxuuse degniin u jeediyey gaadiidlayda deeganada Puntland oo uu sheegay in ay galaan khaladaad badan, balse la daba-geli doono.

Taliye Qalyare wuxuu xusay in 6-dii bilood ina dhaaftay ay Puntland ka dheceen in ka badan 1100 shil deeganada Puntland oo idil, arrintaas oo aad uga yar tii sanadihii hore, taliyaha ayaa u sababeeyey yaraanta kiisaska talaabo ay qaadeen ciidamada wadooyinka, iyo ?socodka gaadiidka habeenkii la hakiyey.

Hadalka taliyaha ayaa ku soo beegmaya wax yar kadib markii dhowaan ay sheegeen wasaarada amniga iyo wasaarada howlaha guud iyo Gaadiidka in talaabo adag laga qaadi doono, ?baabuurta dadka shacabka u adeega oo u dhaqma siyaabo aan sharci ahayn.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Dhegeyso hadalka Taliye Axmed Cabdi Cali (Qalyare) ou waramay Xaliimo Sacdiyo

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com