Safiirka Midowga Yurub ee Suudaan oo lagu weeraray Khartuum

HomeWararka

Safiirka Midowga Yurub ee Suudaan oo lagu weeraray Khartuum

Safiirka Midowga Yurub u fadhiya dalka Suudaan, Aidan O’Hara, ayaa lagu weeraray gurigiisa oo ku yaalla Caasimadda dalkaasi ee Khartuum, halkaas oo ay

Duqeyn ka dhacday Jubbada Dhexe oo lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab
Ilhaan Cumar: “Obama waxaa uu ahaa dilaa dhoola cadeeya”
Puntland oo dib-u-eegis ku samaynaysa xeerka kufsiga (dhegayso)

Safiirka Midowga Yurub u fadhiya dalka Suudaan, Aidan O’Hara, ayaa lagu weeraray gurigiisa oo ku yaalla Caasimadda dalkaasi ee Khartuum, halkaas oo ay ku dagaallamayaan Milateriga iyo xooggaga RSF.

Dhaawac fudud ayaa soo gaaray Safiirka, sida uu xaqiijiyay wasiirka arrimaha dibedda Ireland, Micheál Martin.

Wasiirka arrimaha dibedda Ireland ayaa sidokale ku tilmaamay danjiraha la weeraray diblomaasi heerkiisu sarreeyo oo dalkiisa iyo Yurub ba u shaqeeyay xilli adag.

Ku dhawaad 185 qof ayaa ku dhintay dagaalkan tan iyo Sabtidii ka socda magaalada Khartuum, iyadoo dhaawacuna uu ka badan yahay 1,800 oo qof, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Dhinacyada ku dagaallamaya Khartuum ayaa isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan iyo diyaaradaha dagaalka.

Madaxa siyaasadda arrimaha dibedda Midowga Yurub, Josep Borrell ayaa bartiisa Twitter ku qoray in mas’uuliyadda amniga safaaradda iyo shaqaalaha ay saaran tahay dowladda Suudaan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: