Sababta Puntland ay u joojisay kulan lagu casuumay wasiir Jamaal Maxamed Xasan

Sababta Puntland ay u joojisay kulan lagu casuumay wasiir Jamaal Maxamed Xasan

Wasiirka qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ee Dowladda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo ku sugan caasumadda Puntland ee Garoowe ayaa loo diiday kulan ay ardayda jaamacadaha ee Garoowe ay su’aalo ku waydiin lahaayeen oo la filayay inuu ka dhaco xarunta jaamacadda PSU ee Garoowe.

Kulanka oo uu soo qabanqaabiyay jaamacadda PSU ayaa lagu casuumay, balse markii dambe ayay dowladda u diiday inuu wasiirku ka qaybgalo.

Wasiirka warfaafinta Puntland Cabdi Xirsi Qarjab ayaa sabab uga dhigay xiriirka dowladda dhexe iyo Puntland oo go’an.

Wasiirka ayaa u yimid Garoowe inuu u tartamo kursi ka banaan Golaha Baarlamaanka ee Soomaaliya oo uu kaga guulaystay musharixii la tartamayay 49- cod.

 

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • abdi salan 3 years ago

    ninkaan ma ahan nin dhamays tiran ama matali kara reer puntland, wuxuu dhibato iyo nacayb uu ka dhex abuurayaa shacabka soomaaliyeed ee dagaalka kasoo daalay.
    fadlan waalaha reer puntland waxaan uga digaynaa inay ka fiirsadaan ninkan nuucaan ah

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com