Saarkiisha iyo Ciidmada Amniga oo Mogadishu ka bilaabay Howlgallo Lagu sugaayo Amniga

HomeWararka

Saarkiisha iyo Ciidmada Amniga oo Mogadishu ka bilaabay Howlgallo Lagu sugaayo Amniga

Saraakiisha iyo ciidamada amniga ee caasimadda Muqdisho ayaa bilaabay howlgallo looga hortegayo dhagarta Al-Shabaab, waxaana saacadihii lasoo dhaafay

Gudoomiyhii Barlamaanka Somaliland Cabdirisaaq Khaliif oo is casilay & ujeedka is casiladiisa!
Wasiiro cusub oo lagu dhaariyeey Garoowe & Madaxweyne deni oo ka qayb galay
Qasaare ka dhashay goob ay ka socotay xaflad Aroos ee magaalada Muqdisho (dhegayso)

Saraakiisha iyo ciidamada amniga ee caasimadda Muqdisho ayaa bilaabay howlgallo looga hortegayo dhagarta Al-Shabaab, waxaana saacadihii lasoo dhaafay suuqyada Muqdisho oo Bakaaro uu ugu horeeyo ka dhacay kulamo ay saraakishu la yeesheen ganacsatada.

Waxaa kulamadaas diiradda lagu saaray caqabadaha jira iyo dadaallada ay dowladdu ku doonayso in argagixisada meel looga soo wada jeesto.

Ganacsatada ayaa la wadaagay saraakiisha amniga in alshabaab aysan ku dhiira karin inay suuqyada Muqdisho yimaadaan, balse ay telfoonada ku soo diraan hanjabaado oo kaliya.

Saraakiisha amniga ee dowladda Soomaaliya ayaa ganacsatada ka dalbaday inay lasoo wadaagaan tabaha liita ee alshabaab ay ku doonayaan inay ku baadaan ganacsatada iyo shacabka Muqdisho.

Sidoo kale saraakiishu waxay ka balan qaadeen ganacsatada Soomaaliyeed inay ku dadaali doonaan ilaalinta ammaankooda, har iyo habeena ay u taaganyihiin sidii loo ciribtiri lahaa cadowga ummadda Soomaaliyeed.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: