HomeUncategorized

RW Saacid oo maanta 10 Wasiir horgaynaya Baarlamaanka

Muqdisho Nov 10-2012, Ra'isal Wasaaraha Dawlada Federalka ah ee Soomaaliya Md Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta golaha Baarlamaanka Soomaaliya horgeyn doona Xukuumada cusub ee dhowaan uu ku dhawaaqay.

Wasiirka Kalluumaysiga Puntland iyo waftigiisii oo wali kulamo is daba-joog ah la leh bulshada gobolka Cayn.
Ciyaaraha-Portugal oo markii ugu horeysey hanatay koobka qaramada Yurub.
Ururka Al-shabaab Oo muujiyey in ay weli awood buuxda ku leeyihiin gobollada kala gedisan ee dalka

Muqdisho Nov 10-2012, Ra’isal Wasaaraha Dawlada Federalka ah ee Soomaaliya Md Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta golaha Baarlamaanka Soomaaliya horgeyn doona Xukuumada cusub ee dhowaan uu ku dhawaaqay.

Xukuumadda Cusub ee dhowaan uu soo dhisay Ra’isal Wasaarre Saacid ayaa ka kooban 10 Wasiir oo aan wadan kuxigeeno & Wasiiru dawlayaal taasoo dhalisay guux badan oo ay qabaan in badan oo kamid ah Baarlamaanka maanta la horgeynayo iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Ra’isal Wasaare Saacid iyo M/weyne Xasan Sh Maxamuud oo wada dadaal ay ku doonayaan inay ku meel mariyaan Xukuumadan tirada yar ayaa si hoose u abaabulaya shirar gaar gaar ah oo lagu qabtay Muqdisho kuwaasoo lagu sheegay kuwo Baarlamaanka looga dalbanayo ansixinta Xukuumada cusub.

Waxaa kale oo Muqdihso lagu qabtay banaanbaxyo la abaabuley oo lagu tilmaamay codsi shacab, iyadoo arimahaasi jiraan hadana waxaa taagan guuxa Xildhibaanadu ka muujinayaan Xukuumada Cusub ee Soomaaliya.

Isku soo wada duuboo Hadii Baarlamaanka Soomaaliya kalsoonida u diido Xukuumada ka kooban 10, ka Wasiir waxaa suurta gal ah inuu yimaado isbedel saamayn badan ku yeesha Dawlada M/weyne Xasan Sh Maxamuud oo dhisan mudo 2 bilood ah.

Diiwaanka Wararka

Radio Daljir

(B)

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: