Ciyaaraha-Portugal oo markii ugu horeysey hanatay koobka qaramada Yurub.

(July 11 2016)-Portugal ayaa markii ugu horeysay taariikhda ku guuleysatay koob heer caalami ah, kuwaas oo intay ka soo kabteen waayistii hogaamiyohooda Cristiano Ronaldo ku garaacay xulkii marti galiyey tartanka ee France ciyaartii finalka Euro 2016.    

France ayaa lahaa awooda iyo gacan saraynta , waxaanay abuureen fursadihii ugu badnaa, iyadoo uu Antoine Griezmann laba jeer goolwade Rui Patricio, ka qabtay halka Andre-Pierre Gignac kubadiisii goolka loo fishay birta ka soo go’day.    

Ciyaarta ayaa ku sii siqaysay rigoodhayaal markii libaaxa ciyaarta ka dhex kacay ee Eder uu kubbad meel fog kaga toogtay daba mariyey Hugo Lloris kuna shubay shabaqa daqiiqadii 109 aad ee ciyaarta.  

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com