RW ku xigeenka DFS oo u jawaabay Qaar kamid ah Mushariixina Madaxtinimada dalka

HomeWararka

RW ku xigeenka DFS oo u jawaabay Qaar kamid ah Mushariixina Madaxtinimada dalka

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay inuu aad ula yaabay war-murtiyeed ka soo baxay 12-ka mus

Madaxweynaha Ghana oo markale dib loo doortay
Madaxweyne Deni & Xubno ka tirsan Beesha Caalamka oo Nairobi ku kulmay
Argagixiso Al-Shabaab iyo Daacish oo Puntland Xukun Dil ku Ridday (dhegayso)

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay inuu aad ula yaabay war-murtiyeed ka soo baxay 12-ka musharax oo ka mid ah musharaxiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Mahdi Guuleed ayaa qoraalkiisa ku bilaabay, “Waxa aan aad ula yaabay qoraal sida la sheegay ka soo baxay mas’uuliyiin ku isman murashaxiinta Madaxweynaha ee doorashada 2020/21. Qoraalkaas oo lagu duraayo Guddiyada Doorashooyinka, waxaa ka muuqday kalsooni-darro, quus iyo niyadjab.”

Mahdi Guuleed ayaa qoraalkiisa si dadban ugu sheegay in guddiyada cusub laga soo dhex xulay shaqaalihii xafiisyada dowladda, isagoo tilmaamay in wax farqi ah aysan u dhaxeyn guddiyadii qabtay doorashadii 2016-kii iyo kuwaan.

“Waxa aan garan waayay faraqa u dhaxeeya Guddigii Doorashada heer Federaal iyo Somaliland ee 2016 iyo kuwa 2020 oo ay labadaba kasoo dhex muuqdeen wiilal iyo gabdho Soomaaliyeed oo labada xafiis u kala shaqayn jiray ama shaqeeya” ayuu yiri.

Ugu dambeyntii ra’iisul wasaare Mahdi Guuleed ayaa qoraalkiisa ku yiri, “Miyaanu arrinku ahayn “Hal” diiddani geed ay ku xoqoto ma waydo? Mise waa hawraartii Soomaaliyeed ee marka “Geela” loo heeso uu raggu “Gorayada” u heesi jiray? “Wallee ina ragow talo adduun, taada uun ma’ aha” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: