RW khayre oo ku wajahan Magaaladda Garoowe

RW khayre oo ku wajahan Magaaladda Garoowe

Saacadaha soo socda ayaa waxaa lagu wadaa in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre & Madaxda Dowlad Goboleedyada ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug inay tagaan Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal.

Sababaha safarkooda Magaalada garoowe ayaa waxaa lagu sheegay inay ka qeybgalaan Aaska Ra’iisul Wasaarihi hore ee Dowladii KMG aheyd ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax iyo Madaxweynihii hore ee Puntland marna soo noqday Madaxweyne kuxigeenka Puntland Maxamed Cabdi Xaashi oo dhawaan ka dhacaya Magaalada Garoowe.

Mas’uuliyiin ka tirsan Madaxtooyada Galmudug ayaa Risaala u xaqijiyay safarka RW Kheyre & Madaxda Dowlad Goboleedyada ee Magaalada Garoowe,waxaana sidoo kale la filayaa in Guddiga qaban qaabada Aaska Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya oo uu dhawaan Magacaabay RW Kheyre Kheyre ay iyana tagaan Magaalada Garoowe.

Ra’iisul Wasaarihi hore ee Dowladii KMG aheyd ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax ayaa 12-kii Bishaan ku geeriyooday magaalada Ankara ee dalka Turkiga,kadib xanuun soo wajahay halka Madaxweynihii hore ee Puntland marna soo noqday Madaxweyne kuxigeenka Puntland Maxamed Cabdi Xaashi uu 12-kii Bishaan ku geeriyooday Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com