RW Khayre iyo Imaaraatka Carabta oo ka wada hadlaya arimaha labada dal

RW Khayre iyo Imaaraatka Carabta oo ka wada hadlaya arimaha labada dal

Raysal wasaaraha dowladda faderaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo gaaray wadanka Isu Tagga Imaaraatka Carabta xalay ayaa lagu wadaa inuu kulamo muddo laba maalin socon doona inuu la yeesho madaxda dowladda Imaaraatka Carabta.

Raysal wasaaraha ayaa waxaa kusoo dhoweeyey garoonka diyaaradaha magaalada Abu Dubai masuuliyiin sare oo katirsan dowladda Imaaraatka oo uu ugu horeeyo wasiirka tamarta iyo shidaalka H.E. Eng. Suhail Mohamed Faraj Al Mazrouei.

Madaxda Imaaraatka Carabta iyo raysal wasaaraha ayaa kawada hadli doona xirriirka labada dal, gaar ahaana siyaasadda iyo dib u dhiska Soomaaliya.

Horay ayaa waxaa u booqday dalka Imaaraatka Carabta madaxwaynaha dowladda faderaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, waxaana Imaaraatku saamayn ku leeyahay siyaasadda gudaha ee Soomaaliya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0