Qof shacab ah oo lagu dilay magaalada Gaalkacyo

Qof shacab ah oo lagu dilay magaalada Gaalkacyo

Kooxo hubaysay ayaa bartamaha magaalada Gaalkacyo ku dilay qof shacab ah oo ka mid ah dadka degan magaalada Gaalkacyo.

Marxuumka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Bashiir Baaf, waxaana uu ahaa injineer sida wararku ay sheegayaan.

Warbaahinta Muqdisho ayaa sheegtay masuuliyadda dilka inay sheegteen kooxda Al-shabaab.

Ciidamada amaanka Puntland ayaa gaaray goobta dilka uu kadhacay, inkastoo aan la sheegin inay soo qabteen kooxihii dilka gaystay iyo in kalle.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com