HomeUncategorized

RW Cumar,”Madaxda Puntland iyo Galmudug Waxaan Isku Afgaranay Xabad Joojin”.

Muqdisho, Nov 08 2016--Ra’isul Wasaaraha Xukumadda Federalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaa’arke oo kulan qadka teleefonka kula yeeshay Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug ayaa sheegay inay isku afgartay in magaladda Galkacyo laga dhaqan geliyo xabad-joogin deg deg ah, iyadoo Taliyaasha Ciidamada Galmudug iyo Puntland lagu amray in ay kala qadaan ciidamada ku dagaalamay magaladda Gaalkacyo.

Soomaaliya oo Guulo ka keentay Ciyaaraha Doomaha Bariga Afrika
Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo Maamul Cusub Yeelanay Dhawaan
DHEGEYSO-Barnaamijkii xulashada Daljir iyo Maxamuud Cabdi Ibrahim.

Muqdisho, Nov 08 2016–Ra’isul Wasaaraha Xukumadda Federalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaa’arke oo kulan qadka  teleefonka kula yeeshay Madaxweynayaasha Puntland  iyo Galmudug ayaa sheegay inay isku afgartay in magaladda Galkacyo  laga dhaqan geliyo  xabad-joogin deg deg ah, iyadoo  Taliyaasha Ciidamada  Galmudug  iyo Puntland  lagu amray in ay kala qadaan ciidamada  ku dagaalamay  magaladda Gaalkacyo.

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalk Soomaaliya ayaa  tilmaamay in  dhawaan  kulan la isugu  keenayo madaxda Galmudug iyo Puntland  la  qaban doono,  si loo dhameeyo colaadda magaalada Gaalkacyo ee xarunta  Gobolka Mudug.

“Waxaan Madaxda Dowlad goboleedyada Galmudug iyo Puntland uga mahadcelinya sida ay iiga aqbaleen in xabad joojin qaataan, kadib markii aan qadka telefonka kula xiriiray, runtii aad baan uga xunahay kan Xukuumad ahaan colaadda soo noq noqatay ee magaalada Gaalkacyo, waxaana ku rajo weynahay inay dhaqan gasho heshiiska aan maanta garwadeenka ka ahaa” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Mudane Cumar Cabdirashiid ayaa xusay in xilligan aan la joogin waqti colaad la huriyo, Soomaaliya waxa ay soo martay marxalado kala duwan, waxanaa hada ku jirnaa marxalad doorasho iyo isbadal horumarineed, waxaana bulshada Soomaaliyeed, gaar ahan kuwa magaalada Gaalkacyo ku baaqayaa inay ka qeyb qaataan horumarka gobolka gobolka, isla markaana aan la joogin xilli colaadeed.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: