Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo Maamul Cusub Yeelanay Dhawaan

Talaado, Oktoobar 06, 2015 (Daljir) —Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cali Abtidoon Xalane ayaa ka hadlay halka uu marayo Qorshihii Maamulka loogu sameynayay Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Cali Abtidoon ayaa sheegay in Guddiga Farsamada Ee Maamul u sameynta Labadasi Gobol uu marayo Heer gaba gabo ah islamkaana uu dhawaan Shaqo bilaabi doono si loo sii wado Qorshooyinka harsan .
Waxaa kale oo uu intaa ku daray in la isku raacay Tirada Guddiga Farsamada Madaxa banaan ee Maamulkaasi Dhawaana la Magacaabi doono.

Maamulka Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha dhexe oo la doonayay in Dhismihiisa la bilaabo xilli hore ayaa waxaa dib u dhigay Khilaafyo jira.

By: Jaamac Abdurahman

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com