Ruushka oo  ku dhawaaqay in nuu ka cafiyay qaaradda Afrika deyntii uu ku lahaa

HomeWararka

Ruushka oo ku dhawaaqay in nuu ka cafiyay qaaradda Afrika deyntii uu ku lahaa

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xalay kulan la qaatay Madaxweynaha Ruushka Valadamir Putin, shirkaan is aragga ayaa ahaa soo d

Warka Caweysin iyo Cabdinaasir Ibraahin Maxamed (dhegayso)
Wacaal Darey ah: Wasiir Cawad oo shir deg deg ah isgu yeeray Safiirada dalalka caalamka ee ku sugan Muqdisho
Olale Nadaafadeed oo ka Biloowday Burtinle

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xalay kulan la qaatay Madaxweynaha Ruushka Valadamir Putin, shirkaan is aragga ayaa ahaa soo dhowaynta Madaxweynaha Ruushka Putin u sameynayay madaxda Afrika ka socota, ka qayb galaya shirka Madasha Iskaashiga ee Afrika iyo Ruushka ee ka socda magaalada Sochi ee Jamhuuriyadda Rashia

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale xalay ka qeyb galay Casho sharaf uu ku maamuusay Madaxweynaha Ruushka dhammaan Madaxda ka qayb gashay shirka Madasha Iskaashiga Ruushka iyo Afrika.

Ruushka ayaa ku dhawaaqay inuu ka cafiyay qaaradda Afrika deyntii uu ku lahaa, tan oo jid cusub u fureysa xiriir qoto dheer oo iskaashi uu Ruushka la yeesho Qaaradda dihin ee Afrika.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: