Ruushka ayaa Ukraine ku eedeeyay dilka gabadh uu dhalay mid kamid ah xulafada Madaxweyne Putin

Ruushka ayaa Ukraine ku eedeeyay dilka gabadh uu dhalay mid kamid ah xulafada Madaxweyne Putin

Ruushka ayaa ku eedeeyay ciidamada gaarka ah ee dowladda Ukraine, inay dileen gabadh uu dhalay mid kamid ah xulafada Madaxweyne Vladimir Putin, oo lagu dilay qarax baabuur oo ka dhacay meel u dhow Moscow dhamaadkii toddobaadkan.

Wariye, Darya Dugina, oo 29 jir ah, ayaa geeriyootay maalintii Sabtidii, ka gadaal markii gaari ay wadatay uu ku qarxay meel u dhow magaalada caasimadda Moscow ee dalka Ruushka.

Gabadhan aabaheed, Alexander Dugin, ayaa caanka ku ah taageerista Putin, oo la sheegay inuu aad ugu dhow yahay, iyadoo isagu uu ahaa bartilmaameedka weerarka.

Saraakiisha dowladda Ukraine, ayaa beeniyay inay ku lug leeyihiin qaraxa.

Balse hay’adda amniga federaalka ee Ruushka (FSB), ayaa maanta Isniintii ah sheegtay in xal loo helayo kiiskan, iyadoo kolkii danbe tilmaantay in dowladda Ukraine ay si toos ah mas’uul uga tahay.

Hey’adda ammaanka federaalka ee dowladda Ruushka, ayaa u sheegtay warbaahinta Ruushka in haweeney Ukraine u dhalatey ay bishii Luulyo usoo guurtay Ruushka, iyada iyo gabadheeda yar, laakiin dhab ahaantii waxay ahayd qandaraasle ka tirsan ciidanka gaarka ah ee Ukraine.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com