RSF: “Dhammaan suxufiyiinta Puntland waxay ku jiraan halis” warsaxaafadeed

HomeWararka

RSF: “Dhammaan suxufiyiinta Puntland waxay ku jiraan halis” warsaxaafadeed

Ururka suxufiyiinta aan xuduuda lahayn ee adduunka oo magaciisa loo soo gaabiyo RSF ayaa dhaleeceeyey kororka dhibaataynta iyo cabsi gelinta warbaahin

TAARIIKHDA BAARDHEERE, Culimada Asaastay, Tagtadii Hore illaa & Tan Maanta la Joogo | (daawo | dhegayso)
MARTISOOR: Geerida AUN Fananad Sahro Axmed Jaamac & Taarikhda Fankeeda (dhegayso)
MAANHADAL: Khilaafka Barlamaanka iyo aragtida dhegaystayaasha (dhegayso)

Ururka suxufiyiinta aan xuduuda lahayn ee adduunka oo magaciisa loo soo gaabiyo RSF ayaa dhaleeceeyey kororka dhibaataynta iyo cabsi gelinta warbaahinta madaxa banaan iyo suxufyiinta ka hawlgala deegaanada Puntland.

Suxufiyiinta ayaa ka cabsi qaba inay laga hor istaago inay ka hawlgalaan deegaanada Puntland todobaadyada soo socda kadib markii wasiirka warfaafinta Puntland Cali Xasan Axmed oo loo yaqaano Cali Sabarey uu 22 kii bishan warbaahinta sida gaarka ah loo leeyahay iyo suxufiyiinta Puntland ku amray inay iska diwaan geliyaan wasaaradiisa ka hor 15 ka bisha October ee sanadkan 2019 ka.
Arintaasi ayaa Wasaarada u sahlaysa la socoshada dhaqdhaqaaqa maalinlaha ah ee warbaahinta iyo wariyayaasha ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ay soo saartay RSF.

Wasiirka warfaafinta Puntland wuxuu kaloo sheegay in la xakamaynayo wixii sumcad xumo ku ah Puntland ee xarumaha warbaahinta ay sheegayaan iyadoo taasi keeni karto in cidii ku kacda wasaaradu kala laaban doonto ruqsada sida lagu sheegay warsaxaafadeedka RSF.

Talaabadan ayaa timid 8 maalmood kadib markii ciidanka bilaysku weerareen xarumaha hogaanka warbaahinta madaxa banaan ee Puntland ee Radio Daljir oo la weeraray xarumihiisa 14 kii September Islamarkaana mudo kooban la xiray wariye Xasan heykal oo ka hawlgala Radio Daljir.

Agaasimaha guud ee Radio Daljir Axmed Sh Maxamed Tallman ayaa ururka suxufiyiinta aan xuduuda lahayn ee RSF u sheegay in bilaysku maalin walba soo wacaan iyagoo ugu hanjebaya inay xiri doonaan, bilayska ayaa ka caraysan warbixin raadiyaha ka baxday horaantii bishan september oo ku aadanayd maxbuus ku dhintay gacanta ciidamada xili la jirdilayey si uu u qirto danbiga lagu soo eedeeyey.

Madaxa ururka suxufiyiinta aan xuduuda lahayn ee RSF qaybtiisa afrika mudane Arnaud Froger ayaa talaabadan ku tilmaamay mid wax u dhimaysa xoriyada iyo madax banaanida warbaahinta xorta ah oo ah xuquuq caalami ah oo aasaasi ah.

“Waxaan ku boorineynaa mas’uuliyiinta inay joojiyaan dhibaatadan ayna ka tanaasulaan qorshahooda ay ku xakameynayaan suxufiyiinta iyadoo ujeedada kaliya ee ay tahay inay aamusiyaan kuwa si buuxda u gudanaya doorkooda bixinta shacabka wixii ay u baahan yihiin inay ogaadaan.” ayuu yiri Arnaud Froger.

Wasiirka warfaafinta ee Puntland ayaa horey u amar ku bixiyay in la xiro websaydhka wararka daabaca ee Puntlandtimes.com 3dii Sebtember kadib markii ay ka hadashay mudaharaad ay sameeyeen shaqaalaha wasaarada oo dalbanaya in dib loo bixiyo mushahar ka maqan.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: