Madaxweyne Farmaajo oo kulamo kawadda Magaaladda New York

HomeWararka

Madaxweyne Farmaajo oo kulamo kawadda Magaaladda New York

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir-doceedyo la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Estonia Marwo Kersti Kaljulaid iyo Ra’ii

Madaxweynaha Puntland oo Magacaabay Wasiir Ku-xigeeno iyo Wasiiru Dowlayaal.
WAALIDIINTA GAROWE OO LOOGU BAAQEY IN CARUURTOODA AY FIIRO GAAR AH U YEESHAAN
Danjiraha Soomaaliya ee Sucuudiga oo iska casilay xilkii eedna u soojeediyey Hinda Culusoow

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir-doceedyo la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Estonia Marwo Kersti Kaljulaid iyo Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Ireland Mudane Leo Varadkar iyaga oo ka wada hadlay yagleelidda iskaashi ku dhisan dan-wadaag iyo wax wadaqabsi.

Jamhuuriyadda Estonia waxay ku guuleysatay in ay sanadka cusub ku biirto xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka taasoo ay Soomaaliya uga baahantahay taageero diblomaasiyadeed iyo mid horumarineed, halka Jamhuuriyadda Ireland ay tahay xubin firfircoon oo ka tirsan Midowga Yurub oo si xoog leh uga qeyb qaata amniga iyo dib u dhiska Soomaaliya.

Madaxweynaha oo sidoo kale kulan la qaatay Madaxweynaha Bankiga Horumarinta Afrika Mudane Akinwumi Adesina ayaa la wadaagay dadaallada ay Soomaaliya ugu jirto barnaamijka dayn-cafinta iyo kaalinta uu Bankiga Horumarinta Afrika ka qaadan karo dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha ee Soomaaliya.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: