HomeWararka

Rooble oo ku baaqay in wax laga qabto fatahaada wabiga Shabeelle ee magaalada Jowhar

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iyo beesha Caalamka inay gargaar la s

Wasiirka duulista hawada Soomaaliya oo sheegay inay ka fiirsanayaan go’aanki kenya
Xildhibaanada Galmudug oo taageeray guddigii uu magacaabay Sheekh Shaakir (daawo)
Raysal Wasaare Khayre “Runtii waxaa jira kuwa mar walba raadiya Xumaanta, kuwaas waxaan leeyahay waad fashilanteen”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iyo beesha Caalamka inay gargaar la soo gaaraan dadka ay saameeyeen fatahaada wabiga Shabelle uu ka sameeyey deegaano ka tirsan gobolka Sh/dhexe.

Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo booqashadii ugu horeysay ku tegey magaalada Jowhar tan iyo markii uu xilkaasi qabtay ayaa sheegay in indhahiisa uu ku soo arkay dhibaatada fataahada wabiga Shabelle uu soo gaarsiiyay shacabka ku nool ka magaalada Jowhar, waxana uu xusay in xukuumadiisa ay u dejin doonto nidaam loogaga hortago fatahaada loona helo xal waara.

“Waxaan halkan ugu baaqayaa shacabka soomaaliyeed gudaha iyo dibbadaba inay u istaagaan oo ay gacan siiyaan dadka ay saameysay fatahaada wabiga.”ayuu yiri Ra’iisuL Wasaare Rooble.

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay ka qeybqaataan sidi gacan looga geysan lahaa fatahaada wabiga Shabelle.

“Waxaan si rasmi ah aan codsi ugu jeedin doonaa Beesha Caalamka inay gacan ka geystaan sidii loo caawin lahaa dadka ay saameysay fatahaada wabiga Shabelle ee ku sugan magaalada Jowhar.”ayuu yiri ra’iisul Wasaare Rooble.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Jowhar ayuu ku sheegay ra’iisul wasaaraha in uu guddi u saarayo sidii wax loogu qaban lahaa fatahaada wabiga Shabelle uu ka sameeyay gobolka Sh/dhexe.

Booqasho saacado qaatay oo uu kutegey Ra’iisul Wasaare Rooble magaalad Jowhar ayuu ku tegey kanaalka Kalundi oo 2km dhinaca waqooyi ka xiga magaalada Jowhar halkaas oo uu ku soo arkay biyaha wabiga Shabelle ka soo fatahay oo jaray wadada laamiga ah ee isku xirta magaalada Jowhar iyo gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: