HomeUncategorized

Roobab ka da’ay Gobolka Hiiraan oo Khasaare Baaxad leh Sababay

Sabti, Abriil 18, 2015 (Daljir) — Iyadoo guud ahaan gobollada Soomaaliya ay ka curteen roobabkii gu\'ga ayaa magaalada Beledweyne waxaa saacadihii ugu dambeeyay si xiriir ah uga da\'ayay roobab saameyn ku yeeshay isku socodka dadweynaha iyo gadiidka, sidoo kalana waxaa laga barakacay xaafadaha qaarkood.

Puntland oo laga Samaynayo Roob Doon Isniinta
(Daawo Sawiro) Musharax Madaxwayne Cali Xaaji Warsame oo maalintii 2aad ku sugan Baladwayne
Gudoomiyahii magaalada Cadan ee Yemen oo Weerar lagu Dilay

Sabti, Abriil 18, 2015 (Daljir) —  Iyadoo guud ahaan gobollada Soomaaliya ay ka curteen roobabkii gu\’ga ayaa magaalada Beledweyne waxaa saacadihii ugu dambeeyay si xiriir ah uga da\’ayay roobab saameyn ku yeeshay isku socodka dadweynaha iyo gadiidka, sidoo kalana waxaa laga barakacay xaafadaha qaarkood.

Xaafadaha Xaawo-Taako iyo Kooshin ayay si gaar ah roobabka u saameeyeen, kaddib markii ay ku soo fataheen biyo xoog leh oo ka soo rogmaday dhulka buuraha ee ku teedsan magaalada kuwaa oo si toos ah biyaha ugu soo shubaya waadiga dhaxmara bartamaha magaalada.

Roobabka ayaa sidoo kale jiray waddo muhiim u aheyd isku socodka gadiidka isaga-goosha magaalada Beledweyne iyo gobollada dhinaca Waqooyi ee Soomaaliya ku yaalla, waxaana soconaya gurmad ku aadan siddii wadda dib loogu hagaajin lahaa.

Wali waxaa taagan cabis laga qabo in roobabku intaan kasii xoogeystaan, waana taas midda keentay in durbaba qoysaska qaar caruurta iyo dadka jilicsan ee waayeelka ka soo saaraan xaafaddaha saameynta ay ku yeeshaan inta badan roobabka.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: