Raysal wasaare Xamse Cabdi Bare oo kulan la qaatay Xildhibaanada labada Aqal ee la soo doortoPuntland

Raysal wasaare Xamse Cabdi Bare oo kulan la qaatay Xildhibaanada labada  Aqal ee la soo doortoPuntland

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xalay kulan casho sharaf iyo xog-wareysi isugu jira hoygiisa kula yeeshay Xildhibaannada labada Aqal ee deegaan doorashadoodu tahay Puntland.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Xildhibaannada warbixin ka siiyey heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaranka iyo dadaalka Xukuumadda Dan-Qaran ee ku aaddan sidii loo ilaalin lahaa nabadda iyo xasilloonida Puntland, islamarkaana khilaafka jira wada-hadal loogu dhammeyn lahaa.

Waxaa sidoo kale kulanka looga hadlay xaaladda Gobolka Sool iyo xal u helidda colaaddaha ka jira gobolkaasi.

Mudane Xamsa ayaa ugu baaqay xildhibaannada inay ka shaqeeyan nabadda iyo xasilloonida dalka, si loo xaqiijiyo horumarka la hiigsanayo.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare, Mudane Cabdullaahi Cali Xirsi (Timacadde), iyadoo ugu dambeyn si wanaagsan la isugu afgartay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com