Raysal Wasaare Khayre oo u ambabaxay wadanka Switzerland

HomeWararka

Raysal Wasaare Khayre oo u ambabaxay wadanka Switzerland

Raysal wasaaraha dowladda faderaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa u ambabaxay magaalada Davos ee Switzerland, halkaasi o

Saaka & Dunida iyo Maxamuud Cabdi Ibraahim, Daljir Bossaso (dhegayso)
Wasiirka Amniga Puntland oo sheegay inuu soconayo dagaalka Sool (dhegayso)
10 Jilayaal Bollywood ugu caansan ahaana heerka koowaad sannadihii 2000-2018 (sawirro)

Raysal wasaaraha dowladda faderaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa u ambabaxay magaalada Davos ee Switzerland, halkaasi oo ay kaga qaybgalayaan shirwaynaha dhaqaalaha adduunka ee ka furmaya magaalada Davos.

Wasiiro iyo xildhibaano ayaa ku wehlinaya raysal wasaaraha socdaalkiisa, waxaana sidoo kale shirka ka qaybgalaya hogaamiyeyaal caalami ah oo uu ku jiro madaxwaynaha Mareykanka D Trump.

Shirka oo furmi doono todobaadkan ayaa diiradda lagu saarayaa ka gudbidda caqabadaha haysta dhaqaalaha adduunka, waana shir sanadkiiba mar la qabto.

Dowladda Soomaaliya oo ka mid ah dowladaha tirada yar ee qaaradda Afrika ee shirka lagu casuumay ayaa dadaal ugu jirta in laga cafiyo daymaha laga leeyahay Soomaaliya, iyadoona dhan kallena tan iyo doorashadii bishii Febraayo uu soo hagaagayay nidaamka maamulka dhaqaalaha ee dowladda dhexe, taasi oo sumcad usoo jiiday madaxda hadda xukunka haysa ee dalka.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: