Koonfur Galbeed oo qaaday howlgal ka dhan ah Al-shabaab

Koonfur Galbeed oo qaaday howlgal ka dhan ah Al-shabaab

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa qaaday howlgal ka dhan ah Al-shabaab oo ay ka fuliyeen ciidamada ammaanka ee maamulkaasi waddooyinka isku xira Bardaale iyo Qansaxdheere ee gobolka Baay.

Afhayeenka maamulka Nuuradiin Abuukar ayaa sheegay howlgalkan in lagu dilay tiro ka mid ah Al-shabaab, kuwana la qabtay.

Waxaa uu ku eedeeyey inay wadada ay ugali jireen gaadiidka isaga kala gudba labada degmo.

Ciidamada Koonfur Galbeed ayaa wajahaya dagaalo kaga imaanaya Al-shabaab oo wali ku sugan meelo aan ka fogayn magaalada Baydhabo ee uu ku shaqeeyaan madaxda maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com