Raysal Wasaaraha Ruushka oo is-casilay

Raysal Wasaaraha Ruushka oo is-casilay

Waxaa is-casishay Xukuumadii Ruushka saacado kadib markii Madaxweyne Vladimir Putin uu soo bandhigay qorshe dastuurka wax loogaga bedelayo, taasi oo waqti dheer uu xukunka sii hayn karo.

Madaxweyne Putin ayaa xilka ka degi doona sanadka 2024 xilligaa oo soo gabagaboobayo markii afaraad ee uu xilka dalkiisa loo dhaariyo.

Khudbad uu u jeediyay labada gole ee baarlamaanka Ruushka ayuu Putin ku sheegay in la qaban doono afti ku saabsan in awooda madaxweynaha loo wareejiyo Baarlamaanka.

Hase ahaatee waxaa jira warar la isla dhex marayo oo sheegaya in uu doonayo in si kale uga dhex muuqdo maamulka dalkiisa.

Sharciga ka jira dalka Ruushka ayaa waxaa magacaaba ra’iisul wasaaraha iyo golihiisa wasiirada madaxweynaha, waxaana ansixiya aqalka hoose ee Duma.

Isbedelka ayaa siinaya aqalka hoose ee Duma mas’uuliyad sare sida magacaabista ra’iisul wasaaraha iyo golihiisa wasiirada.

Markii uu ku dhowaaqay in xukuumadiisu ay is casihay Medvedev ayaa waxaa uu Putin magacaabay Mikhail Mishustin inuu bedelo oo uu noqdo ra’iisul wasaaraha cusub ee Ruushka.

Madaxweyne Putin ayaa Madaxweyne ku meel gaar ah noqday sanadkii 1999kii kadib markii uu is casilay Mr Yeltsin tan iyo xilligaana waxaa uu hogaaminayay dalkiisa.

Diiwaanka wararka.

Radio Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0