Ra’islawasaare Kheyre oo Turkiga kula Kulmay Dhigiisa Dalkaas

Ra’islawasaare Kheyre oo Turkiga kula Kulmay Dhigiisa Dalkaas

Ra’isalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa magaalada Ankara ee Caasimadda Dalka Turkiga kula kulmay dhiggiisa Dalkaas Bin Cali Tildrim.

Labada Ra’isalwasaare ayaa ka wada hadlay iskaashiga labada dal,xiriirka,kaalmada Turkiga ee Soomaaliya iyo amniga.

Ra’isalwasaare Kheyre waxaa uu dowladda iyo shacabka Turkiga uga mahadceliyay kaalinta ay ka qaateen gurmadka musiibadii 14kii October ka dhacday magaalada Muqdisho ee ay dadka badan ku dhinteen.

“Waxaan uga mahed celin walaalaha Turki, sidii ay uga damqadeen dhacdadii 14-ka bishan ka dhacday isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, taas oo shacab badan ay ku waayeen noloshoodii qaarna ay ku dhaawac meen ” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa booqan doona dadkii ku dhaawac may qarixii isgoyska Zoope kuwaas oo la geeyay dalka Turkiga, si loogu soo daweeyo. Waxuuna indho indheen doonaa xaaladooda caafimaad.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com