Ra’isalwasaarihii hore Cumar Cabdirashiid oo sheegay imaraadka in uu Caawiyo Somaaliya

Ra’isalwasaarihii hore Cumar Cabdirashiid oo sheegay imaraadka in uu Caawiyo Somaaliya

Ra’isalwasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/Rashiid Cali Sharma’arke ayaa sheegay in dowladda Imaaraadka Carabta tahay dalka kaliya ee Soomaaluya u soo gurmaday tan iyo 2009kii islamarkaana tahay dalka kaliya ee dhaawacyada Qaraxii 14kii Bishan ka dhacay Muqdisho dalkeeda ku daweyneysa.

Mr Sharma’arke oo ku sugan Safaaradda Soomaaliya ee Dubai ayaa u sheegay KhaleejTimes in dowladda Imaaraadka tahay dalka kaliya ee Soomaaliya caawinaya.

Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ka mid ah dadka ku sugan Dubai ee Dowladda Imaaraadka Carabta uga mahadceliyay kaalinta ay ka qaadatay gargaarka Soomaaliya kaddib musiibadii 14kii Bishan ka dhacday Muqdisho.

Danjiiraha Soomaaliya ee Imaaraadka C/Qaadir Sheekhey Al-Xaatimi ayaa sheegay in dowladda Imaaraadka ay tahay dalka kaliya ee Soomaaliya caawiyay tan iyo burburkii kaddib,waxaa uu isna la hadlay Khaleejtimes.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com