HomeUncategorized

Ra?iisul wasaraha Soomaaliya oo Caawa Afur Sharaf U Sameeyey Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed

Muqdisho, Aug 06 - Ra?iisul Gaas ayaa Caawa Afur Sharaf u sameeyay Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed, waxaana Afurka kasoo qeybgalay Golaha Wasiiradda, xildhibaano, suxufiyiin iyo marti sharaf kale.

Dhagayso Saakay Iyo Dunida Jimce 25 – March – 2016 – Wariye Khadar Cawil Ismaaciil (Studio Daljir Buuhoodle)
Kooxo hubaysan oo Muqdisho ku diley weriye Soomaaliyeed
Madaxweynaha Somalia oo tegey magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Muqdisho, Aug 06- Ra?iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaaliga Soomaaliya Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Caawa Afur Sharaf u sameeyay Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed, waxaana Afurka kasoo qeybgalay Golaha Wasiiradda, xildhibaano, suxufiyiin iyo marti sharaf kale.

Ugu horeyntii Ra?iisul Wasaare Ku-Xigeenka ahna Wasiirka Ganacsigga ayaa hadal kooban u jeediyay Odayaasha Dhaqanka isagoona ku amaaney sidii ay isugu howleen in Soomaaliya yeelato Dastuur dalkuna kabaxo KMG.

Wuxuuna intaasi ku daray in hadii ay mar ansixiyeen Dastuurka Odayaasha Dhaqanka ay tahay mid guul ah waayo waxey aheyd mar xaladii ugu adkeyd oo ay Odayaasha Dhaqanka meel mariyaan waxaana arrintaasi mahadeeda iska leh Alle ka sakoow Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed oo runtii muujiyay geesinimo iyo dulqaad taariikhda baal dahab ah ay ka galeen.

?Waxaa sidoo kale goobta ka hadlay Wasiirka Gaashaandhigga Xuseen Carab Ciise ahna Ra?iisul Wasaare ku xigeen ayaa sheegay in sharaf weyn ay u tahay in maanta Odayaasha Dhaqanka iyo Xukuumaduba ay kulan noocaani ah isugu yimaadan waxeyna arrintaani muujineysaa inaad tihiin dadkii soo dhisi lahaa dowladda maantana sida aad la socotaan waa maalin taariikhi ah 6, August sanad ka hor waa maalintii Al-Shabaab laga saaray Caasimada Muqdisho.

Wuxuuna intaasi ku daray Wasiirku in Geesiyadii Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee ?ku ?naf waayay ka xorayntii Al-Shabaab ee Muqdisho ay tahay in la xusuusto loona duceeyo marka xornimadda aan caawa ku joogno Muqdisho waxaa sababteeda lahaa Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

?Waxaan xusuustaa maalintii aan Muqdisho imid oo aan ka soo degay Garoonka diyaaradaha ayaa la ii soo qaaday hoyga Ra?iisul Wasaaraha si la ii dhaariyo markaan gaarigii ka soo tagay ayaan in yar istaagay Iridda durbadiiba waxaa ila carayay Ciidanka waxeyna igu yiraahdeen Wasiir Wiiftada yaysan kugu dhicin, Caawana waad aragtaan si xuriyad leh ayaan banaankaan u wada fadhinaa, maantana waa maalin taariikh u ah Umadda Soomaaliyeed waana inaan ugu mahadcelinaa Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo si geesinimo leh ugu xureeyay Muqdisho Kooxaha fidna wayaasha ahaa ee Al-Shabaab?.

Ra?iisul Wasaare Dr. Cabdiweli ayaa uga mahadceliyay aqbalaadii aad aqbasheen inaad nala afurtaan wuxuuna tilmaamay in 135 Odey Dhaqameedka Soomaaliyeed ay maanta ku guuleysteen iney dalka ka saaraan KMG..

?Runtii waxaan caawa idin kugu yeeray waxa weeye inaan idin kaga mahadceliyo shaqadii adkeed oo aad soo qabateen oo aad u soo dhabar adeegteen oo waliba aan ogahay in daruufo aad u adag oo dhib badan inaad ku soo wadeen laakiin aad ku guuleysateen waxaadna maanta taarkiih weyn ka galeysaan kaalintii aad ka u weyneyd oo aad ka soo qaadateen samatabixinta mustaqbalka Soomaaliya?.

Wuxuuna intaasi ku daray in sababta aad u ansixiseen dastuurka dalka uu ahaa caqabadii in mudada aheyd Soomaaliya heysatay in laga baxo ee KMG waxaana Soomaaliya u horseedeen meeshii ay istaahishay oo aad soo celiseen sumcadii iyo karaamadii ee adduunka ku lehyd.

Sidoo kale Ra?iisul Wasaaraha ayaa sheegay in 20 August ay wax walbo la rabo iney dhamaadaan marka waxaa la idin ka doonayaa inaad soo dedejisaan xubnaha Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya muhiimaduna wuxuu Ra?iisul Wasaaruhu ku tilmaamay iney tahay mar haddii aad dalka ka saarteen KMG oo aad Dastuur u sameyseen Soomaaliya oo aadna soo xuleysaan Baarlamaanka waxaa la rabaa in 21 August iney Soomaaliya ku Ciido dowlad rasmi ah iyo Ciidul fidri wada socda.

Ugu dambeyntii Ra?iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale u mahadceliyay Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed islamarkaana ku amaaney sida wadaninimada leh oo ay Al-Shabaab ugu xoreyeen 6, August, 2011 Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, wuxuuna ku dhiiro geliyay in ay sii wadaan howlgalada ay kaga xoreynayaan dalka Al-Shabaab.

Dhamaad

?

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: