Ra’iisul Wasaare Xamse oo Safiirka UK kala hadlay gargaarka iyo Amniga.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Safiirka UK kala hadlay gargaarka iyo Amniga.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dowladda UK ee Soomaaliya, Kate Foster oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Safiirka ayaa isla soo qaaday dardar-galinta barnaamijyadda horumarineed ee dowladda Britain ka tageerto Soomaaliya ee leh dhinacyada kala duwan sida gargaarka iyo amniga.

safiirka dowladda UK ee Soomaaliya, Kate Foster ayaa Xamse Cabdi Barre ugu hanalyeysay shaqada dardarta leh ee xafiiskiisa ka socda, iyadoo balanqaaday iney xoojiso kaalinta UK ee horumarinta dalkan.

Xamse Cabdi Barre ayaa ku jira maalmihii u danbeysay ee magacaabista golihiisa wasiirada, iyadoo la filayo in todobaadkan uu magacaabo wasiiradiisa oo la filayo iney gaaraan ilaa 30 wasiir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com