Ra’iisul Wasaare Xamse oo canbareeyey Qaraxi ka dhacay Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamse oo canbareeyey Qaraxi ka dhacay Turkiga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa si xooggan u cambaareeyay weerarka argagixiso ee fulaynimada ah ee lagu qaaday maanta dad rayid ah oo ku nool magaalada Istanbul.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay in uu uga tacsiyeynayo shacabka iyo dowladda Türkiye, dadka ku dhintay weerarka.

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay la murugooneyso, isla markaana ay u duceyneyso dadka wax ku noqday weerarkaasi arxan darrada leh.

Mudane Xamse waxa uu sheegay in argagixisadu nooc walba oo ay tahay, laga adkaan doono.

Madaxweynaha Turkiga , Recep Tayyip Erdogan ayaa ka hadlay qarax ka dhacay waddada Istiklal ee ku taal magaalada ganacsiga ah ee Istanbul, wuxuu ku sheegay weerar argagixiso. 6 qof ayaa ku geeriyooday 53 kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Qof dumar ah ayuu sheegay inay door ku lahayd qaraxa , sida lagu oggaaday warbixin horudhac ah, isagoo intaa ku daray in la oggaan doono cidda ka dambeysay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com