Ra’iisul Wasaare Rooble: “Waxaa jira dad doonaya inay hakiyaan doorashada”

Ra’iisul Wasaare Rooble:  “Waxaa jira dad doonaya inay hakiyaan doorashada”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in xaaladda cakiran ee dalka Soomaaliya kaliya looga gudbi karo in dalka ay ka dhacdo doorasho heshiis lagu yahay.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray in is jiidjiidka doorashada ay sababeen hoos u dhac ku yimid Ganacsiga dalka, wuxuuna sicad u sheegay in doorashada kadib waxkasta ay sidooda kusoo laaban doonaan.

Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in ka xukuumad ahaan ay ka go’an tahay in dalka doorasho ka dhacdo, sidoo kalena ay jiraan dad doonaya inay doorashada hakiyaan oo qorsho kale ka dhex raadinaya.

Hadalkan kasoo yeeray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa kusoo aadaya xilli dhowr jeer ay dib u dhacday doorashada welina aan go’aan laga gaarin waqtiga ay dhamaaneyso.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com