Ra’iisul Wasaare Rooble oo Tababar u sooxiray  gabdho ka tirsan ciidanka Haramcad ee booliska Soomaaliyeed

HomeWararka

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Tababar u sooxiray gabdho ka tirsan ciidanka Haramcad ee booliska Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaaraha Xuluumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay munaasabad tababar loogu soo xirayo gabdho ka tirsan ciidanka Ha

Xulashada Daljir & Khadar Cawl, Daljir Buuhoodle (dhegayso)
Warka Fiidnimo iyo Jaamac C/raxmaan Faandhe ,Garoowe (dhegayso)
MAANHADAL: Waa kuma Musharrax Eng. Maxamuud Khaliif Xasan JABIYE?

Ra’iisul Wasaaraha Xuluumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay munaasabad tababar loogu soo xirayo gabdho ka tirsan ciidanka Haramcad ee booliska Soomaaliyeed, taas oo ka dhacday dugsiga tababarrada booliska ee Janeraal Kaahiye.

Munaasabadda ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay, Taliyaha Ciidanka Booliska Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, Wasiirka Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) iyo mas’uuliyiin kale.

Ra’iisul Wasaaraha oo khudnad ka jeediyay munaasabadda ayaa u mahad celiyay cid kasta oo kaalin ka geysatay Ciidamada, wuxuuna kula dardaarmay inay Bulshada Soomaaliueed ugu adeegaan waxyaabihii la soo baday.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa darajooyin u xiray saraakiil tababar layli sarkaal ku soo qaadatay dalka Masar, muwaas oo la filayo inay ka qeyb qaataan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda dalka iyo sugida Amniga doorashooyinka.

Dowladda Soomaaliya ayaa Afartii sano ee la soo dhaafay waxaa ay tababareeysay Ciidamo farabadan, balse aysan weli ku guuleysan inay Al-Shabaab ka saaraan degaannada iyo degmooyinka ay maamulaan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: