Ra’iisul wasaare Rooble oo Barlamaanka codka kalsoonida waydiistay

HomeWararka

Ra’iisul wasaare Rooble oo Barlamaanka codka kalsoonida waydiistay

Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa markii ugu horreeysay hadlay, isaga oo Golaha Shacabka ugu baaqay inay codka ka

Xulashada Daljir iyo Ayaanle Cabdullaahi Jaamac, Daljir Caabudwaaq (dhegayso)
Jubbaland oo soo dhameystirtay xubnihii ka haray Aqalka Sare
Senatartkii ugu dambeeyay Aqalka Sare oo la doortay

Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa markii ugu horreeysay hadlay, isaga oo Golaha Shacabka ugu baaqay inay codka kalsoonida siiyaan.
Hoos Ka Akhriso Farriin la soo dhigay Barta Facebook ee Villa Soomaaliya.

Bismillaahi Al-raxmaani Al-raxiim,

Asalaamu Caleykum Wa raxmatullaahi wa barakaatu

Waxaa farxad ii ah in aan idinla wadaago, in aan si sharaf iyo dareen masuuliyadeed leh aan u aqbalay kalsoonida uu isiiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iiguna magacaabay Xilka Ra’iisul Wasaaranimo ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Sidaas daraadeed, waxaan doonayaa in aan codka kalsoonida waydiisto Golaha Shacabka, aniga oo rajaynaya in ay isiin doonaan codka kalsoonida, si aan u guto waajibaadkayga.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: