Jubbaland oo soo dhameystirtay xubnihii ka haray Aqalka Sare

Jubbaland oo  soo dhameystirtay xubnihii ka haray Aqalka Sare

Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose waxaa Maanta oo khamiis ah lagu qabtay doorashada Afarta Kursi ee Maamulkaas uga harsaneyd Xildhibaannada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Ilaa 8 musharax oo Maanta ku tartamay doorashada ayaa Xildhibaannada Jubbaland ay marka hore dhageysteen hadal jeedin tooda, iyaga oo dalbanayay in mid waliba codka isaga la siiyo.

Kursigii ugu horreeyau ayaa waxaa ku tartamay Xasan Daahir Yarow iyo Cabdi Xuseen Cali, waxaana kursiga Aqalka Sare ku guuleystay Senator Xasan Daahir Yarow, isaga oo helay 59 Cod.

Kursiga labaad ee Aqalka Sare ayaa waxaa ku tartamay Ibraahim Awgaab Cismaan iyo Farxiyo Macalinta Cabdi, waxaan kursiga Aqalka Sars kusoo baxay Ibraahim Awgaab Cismaan oo helay 57 Cod.

Kursiga Saddexaad ee doorashada Aqalka Sare ee Maanta ayaa waxaa ku tartamay leyla Nuur Maax iyo Xareedo Maxamed, waxaana kursiga ku guuleysatay leylo Nuur Maax oo heshay 63 Cod halka Xareedo Maxamed oo la tartameysay ay heshay 9 Cod.

Kursiga ugu dambeeya ee doorashada Aqalka Sare ee Jubbaland ayaa waxaa ku tartamay Maryan Faarax Kadiye iyo Samsam Maxamed Bishaar, waxaana kursiga Aqalka Sare ku guuleysatay Maryan Faarax Kadiye oo heshay 50 Cod.

Maamulka Jubbaland ayaa noqday maamulkii Afaraad ee soo geba-gabeeya doorashada Aqalka Sare, waxaana la filayaa in dhawaan Maamulka Galmuduh uu soo doorto labada kursi ee uga harsan Aqalka Sare si loo bilaabo doorashada Xildhibaannada Aqalka Sare ee Golaha Shacabka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com