Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ka baaqday safarkii Beledweyne iyo dowladda oo saacado kooban ku hakisay garoonka Muqdisho  madaxda Xisbiyada dalka

HomeWararka

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ka baaqday safarkii Beledweyne iyo dowladda oo saacado kooban ku hakisay garoonka Muqdisho madaxda Xisbiyada dalka

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka baaqday safar lagu waday inuu maanta ku tago magaalada Beledweyne, iyadoo warar kala duwan uu

GOLAHA WASIIRADA OO QAATAY GO’AAN XAALADA KALA GUURKA AH EE DALKA KHUSEEYA? (DAAWO)
Xasan Sheekh:”Waxaan kula dardaarmayaa Raiisul Wasaare Xamse Cabdi Barre in uu soo dhiso Xukuumad ka shaqeysa xoojinta amniga”
Eyl: Diiwaan galinta codbixiye yaasha iyo Ururka Kaah oo shaaciyay guddiga fulinta ee Degmada (Sawiiro)

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka baaqday safar lagu waday inuu maanta ku tago magaalada Beledweyne, iyadoo warar kala duwan uu ka soo baxayo dib u dhiciisa.

Xubin ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa xaqiijiyay in safarkooda uu dib u dhacay, kaddib markii lagu soo wargeliyay in roobab ay ka da’een garoonka diyaaradaha Beledweyne, ayna adag tahay inay diyaarad ka degto.

Dhinaca kale Wafdiga Madasha Xisbiyada Qaran ee ay hoggaaminayaan Madaxweynayaashii hore Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh ayaa saaka loo diiday inay ka dhoofaan garoonka, iyaga oo ku sii jeeday Beledweyne balse markii dambe loo fasaxay.

Xildhibaan C/risaaq Cumar ayaa sheegay in wafdiga Madasha laga xanibay diyaaradii ka qaadi laheyd garoonka Muqdisho, arrintaas ay tahay mid la siyaasadeynayo safarkooda gurmadka Beledweyne.

Maamulka Garoonka Diyaaradaha ayaa la sheegay inay ku wargeliyeen wafdiga Madasha Xisbiyada in aanay ka dhoofi karin garoonka.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: