liibiya oo Ruushka ku eedeesay  hurinta colaada dalkaasi (Akhriso)

HomeWararka

liibiya oo Ruushka ku eedeesay hurinta colaada dalkaasi (Akhriso)

Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka liibiya Fathi Bashaga ayaa Ruushka ku eedeeyay in ay hurinayso dagaalada ka socda Liibiya, waxana uu Wasiirku ugu ba

Caawa & Daljir iyo Cabdinaasir Jeekey, Daljir Gaalkacyo (dhegayso)
Xulashadda Daljir| Wariye Hodan Cabdirisaaq | Daljir Garoowe
Ra’iisul Wasaare khayre oo daah-furay shirka meel marinta istaraatiijiyadda Horumarinta Xannaanada Xoolaha

Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka liibiya Fathi Bashaga ayaa Ruushka ku eedeeyay in ay hurinayso dagaalada ka socda Liibiya, waxana uu Wasiirku ugu baaqay Mareykanka inuu kordhiyo dadaalkiisa si loo xaliyo khilaafka.

Waraysi uu siiyay Wakaalada wararka Bloomberg isagoo ku sugan Tunis ka hor inta uusan booqan Mareykanka ayaa wasiirku waxa uu sheegay in Ruushku dabka uu kusii hurinayo khilaafyada jira halkii ay xal u raadin lahaayeen.

Bashaga ayaa Ruushka ku eedeeyey in ay u hanqal taagayaan in galaan gal uu ku yeeshaan maamulka Liibiya iyo kordhinta awoodooda Afrika iyo koonfurta Yurub

Eedeymahan ka dhanka ah Ruushka ayaa yimid maalmo kadib markii Xuukuumada Liibiya ee caalamku aqoonsan yahay ay heshay cadeymo hordhac ah kuwaas oo ku saabsan jiritaanka calooshood u shaqeystayaal ka tirsan “Wagner” oo ah shirkad amni oo gaar looga leeyahay Russia, kuwaas oo ka garab dagaalama sarkaalka howl-gabka ah ee General Khalifa Hifter.

Taas bedelkeeda, Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Ruushka Sergei Ryabkov ayaa Khamiistii beeniyay xaqiiqada wararka ay qaadaa dhigayaan saxaafadda Mareykanka, ee ku saabsan jiritaanka calooshood u shaqeystayaal Ruush ah oo ku sugan Liibiya, isaga oo ku tilmaamay eedeymo waxba kama jiraan ah.

Laga soo bilaabo 4-tii Abril ee sanandkii hore, Tripoli iyo nawaaxigeeda ayaa marti u ahaa dagaalo u dhexeeyey xukuumada caalamku aqoonsan yahay iyo xoogaga Khalifa Hifter.
Diiwaanka wararka.
Radio Daljir.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: