Ra’iisul Wasaare Khayre oo si Heer sare ah loogu soo dhaweeyay deegaanka Huurshe iyo Magaalada Xeraale

HomeWararka

Ra’iisul Wasaare Khayre oo si Heer sare ah loogu soo dhaweeyay deegaanka Huurshe iyo Magaalada Xeraale

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta safar dhulka ah uga soo baxay

Dagaalada qoomiyadda Canfartu ku hayso Soomaalida gobolka Sitti oo keenay dhimasho & barakac baahsan (dhegayso)
Xulashada Daljir & Cabdinaasir Jeekey, Daljir Gaalkacyo (dhegayso)
Sarkaal ugu baaqay shacabka Somaliyeed inay iska difaacan kenya (Daawo)

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta safar dhulka ah uga soo baxay magaalada Caabuudwaaq ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay deegaanka Huurshe iyo magaalada Xeraale ee gobalka Galgduuud.

Wafdiga uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha oo kusoo hor maray deegaanka Huurshe ayaa waxa uu dadwaynaha soo dhawaynayay kula hadlay meel fagaare ah.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa soo dhawaynta Huurshe kadib waxa uu gaaray magaalada Xeraale halkaas oo uu kula hadlay dadweyne aad u badan iyo xildhibaano soo dhawayn heerkeedu sarreyso u sameeyay.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa bulshada ku nool Huurshe iyo Xeraale waxa uu si isku mid ah uga codsaday in ay qaybtooda ka qaataan nabadaynta dib-u-heshiisiinta iyo dhismaha dowlad gobaleed Galmudug loo dhanyahay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa marka laga soo tago qorshaha guud ee socdaalkiisa Galmudug waxa uu Huurshe iyo Xeraale u tegay in uu dhammeeyo colaado soo noqnoqday oo dhibaata badan ku hayay dadka iyo deegaanka.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0