Ra’iisul wasaare Khayre oo Saaxiibada Caalamka kala hadaly dardar Gelinta Gurmadka Qardho

HomeWararka

Ra’iisul wasaare Khayre oo Saaxiibada Caalamka kala hadaly dardar Gelinta Gurmadka Qardho

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda, mudane Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyay kulan looga hadlaay isku dubaridka u gurmashada Qardho oo ay ka qeyb galee

Danjire Micheal Keating oo ku baaqay Xalinta Cabashada Shirka Dhuusamareeb
Xulashada Daljir & Axmed Maxamed Nadiif, Daljir Buuhoodle (dhegayso)
Madaxweyne Gaas oo Saddex Waddo oo Laami ah Dhagax Dhigay (dhegayso)

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda, mudane Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyay kulan looga hadlaay isku dubaridka u gurmashada Qardho oo ay ka qeyb galeen safiirrada dalalka saaxiibbada la ah Soomaaliya, hay’adaha gargaarka, QM iyo Masuuliyiin uu hoggaaminayo madaxweynaha Puntland.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa warbixin faahfaahsan ka bixiyay xaaladda taagan, iyo nuuca kaalmada degdegta ah ee hadda loo baahan yahay.

Mudane Xasan Cali Khayre oo ka hadlay muhiimmadda ay leedahay in xaaladahaan oo kale wadajir loo wajaho, ayaa ugu baaqay hey’adaha caalamiga ah iyo saaxiibada Soomaaliya inay u gurmadaan dadka reer Qardho si dib loogu soo celiyo noloshii caadiga ahaa.

Ra’iisul Wasaaraha oo beesha caalamka uga mahad celiyay taageerada joogtada aha ayaa sidoo kale dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada Puntiland ku amaanay sida midnimada iyo dhaqsaha leh ee ay ugu gurmadeen dadka ku nool qardho xilligii ay daadadku kusoo rogmadeen.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: