Ra’iisul Wasaare Abiy oo sheegay inu si deg deg ah uga hortagi doono duulanka Tigray

HomeWararka

Ra’iisul Wasaare Abiy oo sheegay inu si deg deg ah uga hortagi doono duulanka Tigray

Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa sheegay in uu ka hortagi doono weerarada ay mucaaradka Gobolka TIgray ay ka bilaabeen deegaano cusub oo ku

Khayre oo Kormeer ku tagay degmooyinka Muqdisho xalay (sawiro)
Madaxweynaha Puntland oo Sagootiyeey Arday Deeq Waxbarasho ka heshay Dalka Ethopia (dhegayso)
MAANHADAL: Marxaladda cusub ee uu wajahayo Geeska Afrika (dhegayso )

Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa sheegay in uu ka hortagi doono weerarada ay mucaaradka Gobolka TIgray ay ka bilaabeen deegaano cusub oo ku yaal waqooyiga dalka Ethiopia.

Abiy, oo horey ugu guuleystay abaal-marinta Nobel, balse go’aankii uu dagaalka ku aaday ay kasoo gaartay sumcad-darro, ayaa sheegay in dowladdiisa ay ka go’an tahay inay soo afjarto colaadda, xitaa haddii ay taas “qiimo” ku kacdo.

“Waan is-difaaci doonnaa, iskana caabin doonnaa weerarada cadowgeena gudaha iyo dibedda, annaga oo sidoo kalena ka shaqeyn doonna dadaallada bani’aadannimo,” ayuu Abiy ku yiri bayaan lagu daabacay twitter-ka.

Ciidamada Tigray ayaa toddobaadkan soo cusbooneysiiyey weerarada ay ka fulinayaa gobolka Tigray ee waqooyi, ayaga oo guulo ka sheegtay dagaalo dhowr ah, laba toddobaad kadib markii dowladda federaalka ay ku dhowaaqday xabad-joojin hal dhinac ah.

Waxay tani ka dambeysay qabsashadii ay kula wareegeen magaalada caasimadda ah ee Mekelle, taasi oo weji cusub u yeeshay dagaalka sideedda bilood ka socda gobolka Tigray, oo ay ku dhinteen kumanaan qof, boqolaal kun oo kalena ay ku barakaceen.

“Waxaan xabad-joojin hal dhinac ah u qaadanay inaan ka fogaano dagaallo kale oo dheeraad ah, oo aan dadka u neefino, inta lagu guda jira xilliga beerashada, islamarkaana ogolaano in howlgalka gargaarka uu socdo qiil la’aan,” ayuu yiri Abiy.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: