Ra’iisul Wasaaraha Suudaan Cabdalla Xamduuk Ayaa Xabsi Guri La Geliyay

HomeWararka

Ra’iisul Wasaaraha Suudaan Cabdalla Xamduuk Ayaa Xabsi Guri La Geliyay

Ciidamada Milatariga Sudan ayaa xabsi guri geliyay ra’iisul wasaarihii dalka Sudan Cabdalla Xamduuk iyadoo ay tahay isku day lagu doonayo in xukunka l

Warka Arooryo iyo Xuseen Madar, Daljir Garoowe (dhegayso)
Barnaamijka Ciyaaraha ee Sports News iyo Cabdiraxman Yemani (dhegayso)
Waa sidde xaaladda Magaaladda Laascanood ee Xarunta Gobalka Sool?

Ciidamada Milatariga Sudan ayaa xabsi guri geliyay ra’iisul wasaarihii dalka Sudan Cabdalla Xamduuk iyadoo ay tahay isku day lagu doonayo in xukunka looga tuuro dowlada rayidka ah ee ka jirta dalka Sudan.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in sidoo kale Milatariga Suudaan ay xireen dhowr mas’uul oo rayid ah oo ay ku jiraan wasiirro ka tirsan golaha wasiirrada, la taliyaha ra’iisul wasaaraha ee dhinaca warbaahinta iyo xubin ka tirsan golaha madaxbannaanida ee talada haya.

Suudaan ayaa qarka u saaran tan iyo markii uu dhacay afgambigii dhicisoobay ee bishii hore ka qarxay aargoosi qaraar oo u dhexeeyay milatariga iyo kooxaha rayidka ah ee la doonayey in lagu qabsado awoodda kaddib markii xukunka laga tuuray hoggaamiyihii muddada dheer ee dalkaas Cumar Al-Bashiir.

Al-Bashiir ayaa la afgambiyay ka dib bilooyin mudaaharaadyo waddooyinka ka dhacay sanadkii 2019-kii, is-beddel siyaasadeedna waa la isku raacay ka dib markii xilka laga xayuubiyay loogu talagalay inuu horseedo doorashooyin dhammaadka 2023-ka.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: