HomeWararka

PUNTLAND: Shacabka Qardho, Ufayn, & Eyl oo saaka Doorasho u dareeray (Sawirro)

Shacabka ku nool degmooyinka Qardho, Ufayn, iyo Qardho ayaa saaka u dareeray goobaha codbixinta ee doorshada gole yaasha deegaanka. Doorashadan aya

Warbixinta Tartan & Tacliin: Mubaarak Dhahar fkf Boocame Sare iyo waliba Eyl Sare fkf Bursaalax
Saaka & Dunida iyo Maxamuud Cabdi Ibraahim, Daljir Bossaso (dhegayso)
Sheeko Gaaban: Guuldarro Jacayl God ma loo Galaa! (Taxanaha 23aad – dhegayso/daawo)

Shacabka ku nool degmooyinka Qardho, Ufayn, iyo Qardho ayaa saaka u dareeray goobaha codbixinta ee doorshada gole yaasha deegaanka.

Doorashadan ayaa waxa ay ka dhici doontaa saddexda degmo ee kala ah Qardho, Eyl iyo Ufeyn.
Waxaa doorashada ku tartamaya goleyaasha deegaanka 8 urur siyaasadeed oo kala ah, Kaah, Mideeye, Horseed, Caddaalad iyo Sinnaan, Runcad, Mustaqbal, Ifiye iyo Shaqaalaha.

Tartankan ayaa waxaa isku soo sharaxay illaa 449 musharax kuwaasoo ku tartami doono 87 kurso oo ah golayaasha deegaanka saddexda degmo ee ay doorashada ka dhacayso.

Degmada Qardho waxaa lagu tartamayaa 33 kursi, degmada Eyl waxaa lagu tartamayaa 27 kursi halka degmada Ufeyn lagu tartamayo 27 kursi.

Tirada guud ee dadka lagu wado in ay codkooda ka dhiibtaan doorashada maanta ee la diiwaangeliyay ayaa waxa ay gaarayaan 37,578 qof.

Sawirro.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: