Ra’iisul Wasaaraha DFS oo dhagax dhigay Xarunta Gurmadka degdegga ah

HomeWararka

Ra’iisul Wasaaraha DFS oo dhagax dhigay Xarunta Gurmadka degdegga ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhagax-dhigay xarunta gurmadka qaranka oo loogu talagalay in ay daboosh

Suldaan Abdi casiis – Afguduud oo ka hadlay Nidaamka dimuquraadiyada Puntland
Guddoomiyaha gobolka Karkaar oo ka hadlay xaalada guud ee gobolka iyo shirkii Amniga qodobadii looga hadlay (dhegayso)
Jubbaland oo soo dhaweysay warmurtiyeedkii Maamulada Galmudug& Hiirshabeele

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhagax-dhigay xarunta gurmadka qaranka oo loogu talagalay in ay daboosho Xaaladaha deg degg ah ee ay keenaan noocyada kala duwan ee masiibooyinka.

Xarunta gurmadka Degdegga ah ayaa noqon doonta mid isku xirta dhamaan hay’adaha gurmadka dalka oo dhan, waxayna aruurin doontaa macluumaaadka halista soo socota, lana wadaagi doontaa dhinacyada ay khuseyso.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in markii uu booqday qaar ka mid ah isbitaalada Muqdisho , arkayna casharradii laga bartay qaraxii ka dhacay Isgoyska Zoobe iyo dhacdooyin kale oo dalka soo maray ay lagama maarmaan noqotay dardargelinta dhismaha xarunta, oo laamo ku yeelanaysa caasimadaha dowlad gobolleedyada.

Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa u mahadceliyay dowladda Sweden iyo Bangiga Adduunka oo maalingalinaya dhismaha Xarunta, oo lagu soo gabagabeyn doono muddo gaaban.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: