Ra’iisal Wasaare Xamse oo qaabilay Safiirka Cusub ee Turkiga u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisal Wasaare Xamse oo qaabilay Safiirka Cusub ee Turkiga u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Turkiga u fadhiya Soomaaliya Alper Aktaş oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo Iskaashi ee ka dhaxeeya labada dalka.

Ra’iisul Wasaaraha oo Safiirka cusub ugu hambalyeeyey masuuliyadda loo igmaday, ayaa sheegay in Turkigu uu yahay walaal dhab ah oo ay leedahay Soomaaliya, kaas oo xilliyo adag soo garab taagnaa dadka iyo dowladda Soomaaliyeed, kana taageera dhinacyo badan oo kaabaya horumarinta dowlad-dhiska Soomaaliya.

Dhinaca kale , Danjire Alper Aktaş ayaa tilmaamay in uu sii xoojin doono xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada dalka, isaga oo uga mahadceliyey Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed soo dhaweyntooda.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com