HomeWararka

Qoysas ku barakacay dagaalkii Wisil & Qaramada Midoobay oo war kasoo saartay

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhanka arrimaha bani’aadanimada ayaa sheegtay in kumanaan ruux ay ku barakaceen dagaalkii shalay ka dhacay deeg

Musharrax Cali Xaaji Warsame oo wareysi uu siiyey Radio Daljir ku bayaamiyey doorashada Puntland iyo damaciisa waxqabasho haddii la doorto (dhegayso)
Warka Fiidnimo iyo Xasan Heykal, Daljir Bosasso (dhegayso)
Halbowlihii Degmada Boocame oo Go’an iyo Baaq Puntland ku Socda (dhegayso)

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhanka arrimaha bani’aadanimada ayaa sheegtay in kumanaan ruux ay ku barakaceen dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka Wisil ee gobolka Mudug.
Qoxootigan ayaa waxey u kala carareen xeryaha Dhagaxleey, Hobyo iyo Gaalkacyo.
Dadkan barakacay ayaa hay’adu sheegtay inay gaareen deegaano ay ka mid yihiin xerada Dhagaxley,Hobyo iyo magaalada Gaalkacyo.

Jimciyadda Quruumaha ka dhaxeysa ayaa ku boorisay dhinacyada dagaalamaya iney dhawraan xuquuqda dadka rayidka ah.

Wisil ayey shaley ku dagaalameen ciidanka dowladda Soomaaliya iyo dagaal yahano katirsan al-Shabaab.

Dadkii shalay ay waxyeeladu ka soo gaartay dagaalka ka dhacay Wisil ayaa waxaa kamid ahaa dad rayid ah oo guryahoodu ugu tagtay rasaastii la is weydaarsanayay.

Xaalada deegaanka Wisil ayaa maanta degen inkastoo weli ay jirto cabsi laga qabo in markale ay soo rogaal celiyaan dagaalamayaasha Alshabaab.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: