Qoorqoor:  “Ahlu Sunna  Hubka  ha kusoo wareejiso Ciidamada Galmudug”

HomeWararka

Qoorqoor: “Ahlu Sunna Hubka ha kusoo wareejiso Ciidamada Galmudug”

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa ka dalbaday ururka Ahlu Sunna ay hubka ku soo wareejiyaan ciidamada Maamulka

MUQDISHO | Dab khasaare dhaliyey oo ka kacay suuqa bakaaraha ee muqdisho
TOOS : Aaska Gudoomiyihii Gobalka Banaadir Eng Yarisow
Dahabshil Boston oo Mar Kale $400 kun laga Dhacay

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa ka dalbaday ururka Ahlu Sunna ay hubka ku soo wareejiyaan ciidamada Maamulka Galmudug isla markaana ciidamada Ahlu Sunna isa soo dhiibaan.

Madaxweyne Qoorqoor oo kulamo ka wada magaalada Guriceel oo dhawaan ay dagaalo ka dhaceen ayaa duqeyda dhaqanka ka soo jeeda Guriceel u sheegay inay qasab tahay in Ahlu Sunna hubka ay haystaan soo wareejiyaan si looga baaqsado dagaalo markale ka dhaca gobolka Galgaduud.

Majiro illaa hadda wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Ahlu Sunna ee ku aadan dalabkan uu Madaxweyne Qoorqoor ku dalbaday inay hubka ku soo wareejiso.

Hase yeeshee, ciidamo faro badan oo haysta hub culus kana tirsan Ahlu Sunna ayaa waxaa ay ku sugan yihiin deegaanka Bohol oo illaa 30km u jira magaalada Dhuusamareeb oo xarun u ah dowlad goboleedka Galmudug.

Hase yeeshee Maamulka Ahlu Sunna ayaa marwalba sheega inay hubka u haystaan si ay isaga difaacaan Alshabaab oo muddo 12 sano ah dagaal u dhexeeyay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: