Qooor Qoor & Laftagareen oo gaaray Muqdisho, sheegayna iney lakulmi doonaan Farmaajo & Rooble

HomeWararka

Qooor Qoor & Laftagareen oo gaaray Muqdisho, sheegayna iney lakulmi doonaan Farmaajo & Rooble

Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho soo gaaray Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) oo ka yimid Magaalada Dhuusamareeb & Madxweynaha Koo

Dad ku barakacay dulqaymaha Shabeellooyinka oo gaaray duleedka Muqdisho dhegayso)
Caawa & Daljir iyo Cabdifatax Cumar Geeddi, Daljir Bosaaso (dhegayso)
Dowladdda Soomaaliya oo Sheegtay Xilliga ay La Soo Wareegayso Maamulka Hawada Dalka

Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho soo gaaray Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) oo ka yimid Magaalada Dhuusamareeb & Madxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed ( laftagareen) oo isna ka yimid dalka Turkiga.

Mas’uuliyiin ka kala tirsan labads Gole ee dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ay Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magalada Muqdisho kusoo dhaweeyeen labada Madaxweyne ee Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

ujeedka safarka labada Madaxweyne ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in ay tahay sidii khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ee ka dhashay kiiska Ikraan Tahiil u xalin lahaayeen.

Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa waxaa la filayaa inay tagaan Madaxtooyada Soomaaliya, iyaga oo kulamo gooni gooni ah la qaadan doona Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, iyaga oo kala hadli doona xalka gaarista khilaafka labada mas’uul iyo sidii loo dhameyn lahaa.

Khilaafka xoogeystay ee u dhaxeeya Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo & Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, kaas oo salka ku haaya maqnaanshaha Ikraan Tahliil, waxana khilaafkooda uu saameeyay Hay’adaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: