QM: ”Waxaan aad uga walaacsanahay saameynta uu dagaalkii Boosaaso ku yeeshay dadka rayidka ah”

QM: ”Waxaan aad uga walaacsanahay saameynta uu dagaalkii Boosaaso ku yeeshay dadka rayidka ah”

Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM, ahna Isku-duwaha Gargaarka Bani’aadantinimo ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Adam Abdelmoul ayaa ka hadlay xaaladda dadkii ka barakacay magaalada Boosaaso ee maamulka Puntland.

”Waxaan aad uga walaacsanahay saameynta ay colaadaha ka socda Boosaaso ee Puntland ku yeelanayaan dadka rayidka ah ayuu yiri” Adam Abdelmoula.

Dagaalkii ka dhacay magaalada Boosaaso oo socday Saddex Maalmood oo xiriir ah ayaa la sheegay in kala bar dadka magaalada ay ka barakaceen guryahoodii. Sida laga soo xigtay la-hawlgalayaasha bini’aadantinimada iyo maamulada maxalliga ah, ilaa 40 boqolkiiba 70,000 oo Barakacayaal ah oo lagu martigeliyay magaalada Boosaaso ayaa sidoo kale la sheegay inay la kulmeen barokac labaad.

” Waxaan aad uga walaacsanahay in dagaalku uu si xun u saameeyay awoodda wada-hawlgalayaasha bani’aadamnimada si ay u gaaraan dadka barakacayaasha ah ee u baahan gargaar bini’aadantinimo iyo ilaalin degdeg ah ayuu yiri” Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM, ahna Isku-duwaha Gargaarka Bani’aadantinimo ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.

Sidoo kale Danjiraha waxaa uu ku booriyay dhammaan dhinacyada isku haya colaadda inay ilaaliyaan waajibaadkooda sida uu dhigayo sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada iyo inay hubiyaan inay si aan xannib lahayn ay shaqaalaha bani’aadamnimada u helaan dhammaan dadka u baahan gargaarka.

Boqolaal qoys ayaa ka barakacay Colaada Magaalada Boosaaso, kuwaas aaday degaannada kale ee Magaalada Boosaaso ay ku heystaan dhibaatooyin kala duwan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com