QM oo war ka soo saartay Fataahada dalka ka dhacay

HomeWararka

QM oo war ka soo saartay Fataahada dalka ka dhacay

Daadad ay sababeen roobab xilliyeedka ayaa saameeyey ku dhawaad ​​191,800 oo qof oo ku nool gudaha Soomaaliya tan iyo bilihii May iyo Luulyo, taasoo

Warka Fiidnimo iyo Xasan Heykal, Daljir Bossaso (dhegayso)
Dowladda Soomaaliya oo mamnuucday shirarka siyaasadeed ee hotelada Muqdisho (dhegayso)
Bosaso & xilliga xagaaga aan idin ku soo wareejiyo oo waa inoo maanta & magaalo ganacsiga Puntland

Daadad ay sababeen roobab xilliyeedka ayaa saameeyey ku dhawaad ​​191,800 oo qof oo ku nool gudaha Soomaaliya tan iyo bilihii May iyo Luulyo, taasoo ay ka dhalatay dhibaato bina-aadamnimo oo ka jirta gobollada ay dhibaatadu saameysey, sidda ay sheegtay OCHA.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Isuduwidda Arrimaha Bani’aadamnimada (OCHA) ayaa sheegay in dadkaasi ay barakiciyeen daadad ilaa dhamaadkii bishii lasoo dhaafay ka socday meelo ka mid ah Soomaaliya.

“Meelo badan oo ka mid ah koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, roobabka Xagaaga ee socda ayaa ka culus kuwii hore, iyagoo wata dabeylo xoog leh , islamarkaana uu heerkul hooseyo ” OCHA ayaa ku sheegtay warbixinteedii ugu dambeysay ee daadadka.

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in meelaha daadka iyo Fatahadaha ay samaayeen ay ka mid yihiin Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubaland.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in Heerarka biyaha webigga Shabeelle oo loo kuurgalay la filayaa inay sii wadaan fatahaadaha usbuuca soo socda kadib roobabkii la saadaaliyay.

OCHA ayaa sheegtay in ku dhawaad ​​147,579 hektar oo dhul beereed ah ilaa 100 tuulo oo ka kala tirsan degmooyinka Balcad, Jowhar iyo Mahaddaay ay biyaha la tageen.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: