QM oo sheegtay in heerkii ugu sareeyay ay gaartay Abaarta kajirta Somaaliya

HomeWararka

QM oo sheegtay in heerkii ugu sareeyay ay gaartay Abaarta kajirta Somaaliya

Warbixin ay soo saartay hay’adda cunnada iyo beeraha adduunka ee FAO ayaa lagu sheegay in intii u dhaxaysay 2019 iyo 2020 ay tirada nafaqo-xumada hays

Garacad deked noocee ah ayay yeelan doontaa ? (daawo)
Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Somaaliya oo baaq ka soo saaray Colaada Walanweyn
 NUSOJ “Magacaabista dacwad ooge gaar ah waa talaabo lagu joojinayo danbiyada kadhanka ah Suxufiyiinta,”

Warbixin ay soo saartay hay’adda cunnada iyo beeraha adduunka ee FAO ayaa lagu sheegay in intii u dhaxaysay 2019 iyo 2020 ay tirada nafaqo-xumada hayso ee dunida Carabta kor u kacday 4.8 milyan oo qof oo gaartay 69 milyan, ku dhawaad ​​16 boqolkiiba dadka.

“Kororka heerarka nafaqo-xumada ayaa ka dhacay dhammaan heerarka dakhliga, colaadaha ay saameeyeen iyo sidoo kale dalalka aan colaadaha ka jirin,” sida ay sheegtay Hay’adda FAO.

“Intaa waxaa dheer, ku dhawaad ​​141 milyan oo qof ma aysan helin cunto ku filan sanadka 2020 — taasoo ah koror in ka badan 10 milyan oo qof tan iyo 2019.” Waxay sheegtay in masiibada ‘Covid-19’ ay keentay dbibaato kale oo weyn”, iyadoo tirada dadka nafaqo-darradu hayso ee gobolka ay kordheen 4.8 milyan marka la barbar dhigo sanadkii 2019-kii.

Soomaaliya iyo Yemen oo ay colaado ka jiraan ayaa weli ah dalalka ay sida xun u saameysay sannadkii hore, iyadoo ku dhawaad ​​60% dadka Soomaaliyeed ay gaajoonayeen halka in ka badan 45% dadka Yemen ay nafaqo-darro hayso.

“Yemen waxay lahayd heerka ugu sarreeya ee dhiig-yarida 2020, taasoo saamaysay 61.5 boqolkiiba haweenka da’da taranka,” ayaa lagu yiri warka. FAO ayaa sheegtay in gaajada ay kor u kacday boqolkiiba 91.1 dalalka Carabta labaatankii sano ee la soo dhaafay.

“Wadamada dakhligoodu sarreeyo waxay soo bandhigeen heerka ugu sarreeya ee buurnaanta dadka waaweyn ee gobolka halka waddammada dakhligoodu hooseeyo ay ahaayeen kuwa ugu hooseeya.”

Soomaaliya ayaa xilligaan waxaa meelo kamid ah kajira abaar baahsan taas oo saameyn ku yeelatay dad igo duunyo intaba.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: