QM oo ka hadashay sharciga istaraatiijiyadda la dagaalanka musuqmaasuqa

HomeWararka

QM oo ka hadashay sharciga istaraatiijiyadda la dagaalanka musuqmaasuqa

Xafiiska howlgalka Qaramada Midoobay ee Taakuleynta Soomaaliya ee (UNSOM) ayaa War kasoo saaray sharciga istaraatiijiyadda la dagaalanka musuqmaasuqa

Xulashada Daljir & Axmed Nadiif, Daljir Buuhoodle (dhegayso)
Gaalkacyo barnaamijka su’aalaha Ramadaanta & al-Xaramayn Clinic and Supermarket
Madaxweynaha Jubaland oo Kismaayo ku daahfuray bandhiga carwada ganacsiga Jubaland (dhegayso)

Xafiiska howlgalka Qaramada Midoobay ee Taakuleynta Soomaaliya ee (UNSOM) ayaa War kasoo saaray sharciga istaraatiijiyadda la dagaalanka musuqmaasuqa ee 2020-2023 oo dhawaan ay ansixiyeen Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska howlgalka Qaramada Midoobay ee Somalia ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay tallaabada ay qaaday dowladda Federaalka, isla markaana lagu ansixiyay sharciga istaraatiijiyadda la dagaalanka musuq-maasuqa.

Sidoo kale Qoraalka oo aad u dheeraa ayaa waxaa lagu sheegay in tallaabadda lagu ansixiyay sharcigaas ay aheyd mid loo baahan yahay oo lagula dagaalamayo Musuqa, isla markaana lagu joojinayo Dacaadnimada Hay’adaha, Khibradaha Adeegyada Rayidka, Hubinta Maaraynta Hufan ee Maaliyadda Dowladda iyo Dhiirigelinta dhaqanka.

Dhinaca kale Wakiilka Qaramada Midoobay Soomaaliya James Swan ayaa waxaa uu sheegay inuu soo dhaweynayo Go’aanka ay qaadatay dowladda Federaalka iyo sida ay uga Go’an tahay inay la-dagaalanto Musuq-maasuqa, Awood-u-helida marin Caddaaladeed iyo in la dhiso kalsooni lagu aamino Hay’adaha Dowladda.

Isaga oo sii hadlaayay James Swan ayuu Carabka ku dhiftay Qaramada Midoobay ay Dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada dalka ka jira ku dhiira-gelineyso tallaabooyinka muhiimka ah ee horey loo qaadayo, wuxuuna xusay inay taageerayaan Horumarinta Sharciga iyo Jadwalka shaqo ee Hay’addaha Dowladda.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: