QM oo ka hadashay Dhalinyaradii dil wadareedka loogu geystay Gololeey

HomeWararka

QM oo ka hadashay Dhalinyaradii dil wadareedka loogu geystay Gololeey

Ku xigeenka Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, ahna Iskuduwaha Arimaha Baniaadanimo ee Soomaaliya Mr. Adam Abdelmoula ayaa muuj

Saaka & Dunida iyo Maxamed Lakiman, Daljir Gaalkacyo (dhegayso)
Issimada Puntland ee Gobalka Sanaag oo sheegay inaysan waddahada Somaliland & DFS Qodobada kaso baxa Aqbalayn (dhegayso)
Saaka & Dunida iyo Cabdifataax Cumar Geeddi, Daljir Caabudwaaq (dhegayso)

Ku xigeenka Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, ahna Iskuduwaha Arimaha Baniaadanimo ee Soomaaliya Mr. Adam Abdelmoula ayaa muujiyay sida uu uga walaacsan yahay falalka isugu jiray afduubka iyo dilkii loo geystay todoba qof oo shaqaala caafimaad ah iyo qof kaloo rayid ah oo ku sugnaa xarun caafimaad oo ku tiillay tuulada Gololey ee Gobolka Sh/Dhexe.

Mr. Adam Abdelmoula ,waxa uu xusay in aan la aqbali Karin dilka shaqaalahaasi,isla markaana ay tahay mid xadgudub ah oo dhan ka ah sharciga caalamiga ee arimaha biniaadanimada iyo habdhaqanka caadiga ah.

“Waa nasiib daro in weerarkaan uu dhaco xilli Soomaaliya ay la tacaaleyso dhibaatooyinka sadexda ah ee safmarka COVID-19, fataahaadaha iyo masiibooyinka kale ee uu la yimid ayax”ayuu yiri Ku xigeenka .

Ku xigeenka Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, ahna Iskuduwaha Arimaha Baniaadanimo ee Soomaaliya Mr. Adam Abdelmoul ,Waxa uu tacsi u diray qoysaska dadka la dilay,isagoo dhinaca kalana cambaareyay falkaasi arxan darida ah ee lagula kacay shaqaalahaasi caafimaad.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0