HomeUncategorized

Qeybtii labbaad ee dhaawacyada Jubbaland ee Galkacayo jooga oo la filayo in la celiyo (Dhegeyso)

Galkacayo, August 27, 2013 - Xaruumaha waa weyn ee caafimaadka magaalada Galkacayo, waxaa weli ku jira qaar ka mid ah dhaawacyadii wax ku noqday dagaaladii ka dhacay Jubbada hoose bishii hore.

R/wasaare Gaas oo ka qayb-galay shir ay soo agaasimeen ururka dhalinyarada ka hortaga qabyaalada.
QM oo sheegtay in 2.34 milyan oo Soomaali ah ay wali u baahan-yihiin gar-gaar bini?aadatinimo oo dag-dag ah.
Midawga Afrika oo taliye cusub u soo magacaabey ciidanka AMISOM, lana wareegey maanta xilka. [Akhris …]

Galkacayo, August 27, 2013 – Xaruumaha waa weyn ee caafimaadka magaalada Galkacayo, waxaa weli ku jira qaar ka mid ah dhaawacyadii wax ku noqday dagaaladii ka dhacay Jubbada hoose bishii hore, dhaawacyada ayaa weli dabiibayaa.

Wararka aan helayno waxay sheegayaan in ?la filayaa in dhowaan dhaawacyda loo dhamayn doono adeegyada caafimaad ee ay haatan u joogaan magaalada Galkacayo, waxayna noqon doonaan qeyb labbaad oo ka mid dhaawacyada oo dib ugu noqonaya Jubbaland.

Xiirey Maxamuud Guul oo ah madaxa la socodka xaalada dhaawacyada laga keenay Jubbaland ee jooga Galkacayo ayaa maanta Daljir la hadlay, wuxuu shaaca ka rogay in xaalada dhaawacyada intooda badan ay wanaagsan tahay.

Wuxuu sheegay mudane Xiirey dhaawcyada hadda jooga in ay yihiin 27, ?oo qaar ka mid ah markii hore ay halis ahayd xaaladooda, dhamaantood haatan waxaa laga rajo qabaa in dib loogu celiyo Kismaayo, kadib markii si buuxda loo hubiyey in ay xaaladooda raysatay.

Dhowaan ayaa in ka badan 30 ka mid ah dhaawacyada waxaa lagu celiyey magaalada Kismaayo, kadib markii lagu dabiibay xaruumaha waa weyn ee caafimadkaa ee gobolka Mudug oo ay muddo joogeen.

?

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Maslax Mukhtaar oo Daljir ka tirsan ayaa waraystay ?Madaxa dhaawcyada Xiireey Guul

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: